15 Xildhibaan oo loo fasaxay in ay xaadiraan kalfadhiyada golaha shacabka kaddib…

|

Qoraal kasoo baxay xafiiska guddoomiyaha golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur ( Madoobe) ayaa lagu sheegay in 15 xildhibaan oo katirsan golaha shacabka loo fasaxay ka qeyb galka fadhiyada guud ee kalfadhiga 6-aad ee golaha shacabka.

Qoraalka ayaa kasoo ayaa lagu sheegay in Xildhibaannadan hore looga joojiyay ka qeyb galka fadhiyada guud ee golaha ka dib dhacdadii golaha ka dhacday 27-kii bishii November ee sanadkii lasoo dhaafay.

“waxa uuna xildhibaanadda kula dardaarmay ilaalinta dastuurka Qaranka, xeer hoosaadka iyo dhaqanka suuban ee Soomaaliyeed”.  ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay guddoomiyaha.

Related Articles

News In English

Fikradaha