Muqdisho (ONKOD) Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka mid ah xildhinaanada Golaha shacabka ayaa bartiisa Facebook ku qoray hadalo uu si wayn uu ugu dhaliilay Dowladda u hoggaaminayo Madaxwaynaha Soomaaliya.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in ay muuqanayaan waxyaabo badan oo ay hore ugu diideen Dowladii Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay hadda ku dhaqmayso Dowladda Xasan Sheekh.
Cabdiraxmaan ayaa ku xusay qoraalkiisa in la aqbali doonin in dadka la caburiyo oo loo diido safarada laga hor istaago wixii xaqa ay ay u laahaayeen taas oo uu sheegay in ay ahayd waxa ay ka midaysanayeen Xasan Sheekh Maxamuud.
Qoraalkiisa sidan ayuu u qoray siyaasigan :
Saddex mabda’ siyaasadeed oo aan ku diidnay Rajiimkii kan hadda jira ka horeeyey waa kuwo sugan oo aan cidna looga haybaysanin.
1- In aan la xirin saaxada siyaasadda oo aan la diidin xoriyadda hadalka, safarka, kulanka, ku biirista xisbiyada iyo cabbirka fikirka siyaasadeed intaba.
2- In doorashooyinka heer Federaal iyo Dawlad Gobol ay xilligooda ku dhacaan, muddo kororsina sharci dari yahay, horseedna u yahay xasilooni dari siyaasadeed.
3- In aan ciidanka loo adeegsan dan siyaasadeed iyo cabburin shacab.
Waxaan ugu baaqayaa saaxibadii shalay mabaadi’daas nagula midaysnaa in aysan ka weecan, haddii kale aan la isku eedin.