Afhayeenka guud ee Al-Shabaab oo si layaab leh uga hadlay kacdoonka Qabiillada

|

Muqdisho (Onkod Radio) —  Afhayeenka Guud ee Ururka Al-Shabaab Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) ayaa markii ugu horreysay ka hadlay kacdoonka ay billaabeen dadka shacabka, islamarkaana looga soo horjeedo Ururkooda.

Cali Dheere ayaa beelaha Soomaaliyeed ugu digay in ay qeyb ka noqdaan dagaalka xilligan ka socda qaar ka mid ah gobollada dalka, isagoona ku hanjabay in ay beegsan doonaan beelkasto oo lug yeelata dagaalka, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale Cali Dheere ayaa shacabka ugu baaqay in ay ka foggaadaan xarumaha ay deggan yihiin dowladda iyo xubnaha beesha caalaamka, islamarkaana ay weerari doonaan.

Kacdoon ka dhan ah Al-shabaab ayaa ka socda deegaannada HirShabeelle, Galmudug iyo Koonfur galbeed, iyadoona haatan deegaanno dhowr ah laga saaray Ururka Al-Shabaab, islamarkaana laga dilay saraakiil iyo dagaallameyaal katirsan Ururkaasi, sida ay sheegtay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Related Articles

News In English

Fikradaha