AFRICOM ‘’ Ma jiro wax khasaaraha oo naga soo gaaray weerarka miino ee ka dhacay Kismaayo ‘’

|

Kismaayo (ONKOD ) Wararka maanta oo  Khamiis ah aan ka helayo ayaa sheegaya in kolonyo ciidama ah oo ay la socdeen  saraakiil Mareykan ah qarax lala eegtay.

Wararka aan helayno ayaa sheegaya in qaraxaas uu haleelay gaari ay ciidanka la socdeen , waxaana waxyeelo gaaray gaariga lama sheegin khasaare nafadeed.

Miinada  nooca dhulka lagu aaso ayaa lagu soo waramayaa in ciidanka Mareykanka lala eegtay .

Taliska AFRICOM war ka soo baxay ayaa lagu sheegay in aysan jirin khasaare soo gaaray ciidankooda gacanta siinaya kuwa Dowladda Soomaaliya.

Xaaladda goobta qaraxan uu ka dhacay ayaa degan , waxaana goobta howlgal ka bilaabay ciidanka maamul goboleedka Jubbaland.

Ciidanka AFRICOM ayaa gudaha Soomaaliya u jooga sidii  tababar ay u siin lahayeen  ciidanka Soomaaliya isla markaana ay ula dagaalami lahayeen kooxda Al- Shabaab.

 

 

 

Related Articles

News In English

Fikradaha