AFRICOM  ‘’Waxan  duqeynay  galgaduud oo Al- Shabaab ku sugnaa ‘’

|

Dhuusmareeb (ONKOD) Diyaaradaha Mareykankan ayaa duqeymo ka fuliyay deegaano ka mid ah gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka halkaas ay ku suganayeen xubno ka mid ah Al- Shabaab. AFRICOM war ka soo baxay ayaa lagu sheegay in goobaha ay beegsadeen ay ku sugnayeen xubno ka tirsan Al- Shabaab isla markaana uu guulaystay duqeymahaas  dhacay. Waxa kaloo Taliska uu sheegay in duqeymahan wax khasaaraha uusan ka soo gaarin dad rayid ah beegsiga uun ahaa , saldhigyada Al – Shabaab ee degmada Galcad. AFRICOM ayaa shaacisay in weerarkan dhanka cirka ah ay ku taageereysay ciidamada Soomaaliya ee howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ka wada halkaasi. Ugu dambeyn wuxuu talisku hoosta ka xariiqay inuu sii wadi doono beegsiga kooxda Al-Shabaab, si looga saaro goobaha ay hadda kaga sugan yihiin dalka

Related Articles

News In English

Fikradaha