Waxaa goordhaw dib xuriyadooda u helay Agaasimaha Guud ee warbaahinta Shabelle, Abuukar Sheekh Maxamed ( Abuukar Iskaay) iyo ku-xigeenkiisa Maxamuud Soofeysane oo maanta lagu xiray saldhigga Booliska degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir.
Sababaha loo xiray ayaa lagu sheegay in dowladda ay dhibsatay wareysi Shabeelle ay ka qadaay Gudoomiyaha Xisbiga Shacabka Soomaaliyeed Cabdiraxmaan Suleymaan kaasi oo muddo Booliska u xiran.
Shir jaraa’id ay wariyeyaasha Muqdisho ku qabteen magaalada Muqdisho, ayey ku cambaareyeen xariga sharci darrada ah ee maanta loo geystay Agaasimaha guud ee warbaahinta Shabelle iyo ku-xigeenkiisa.
Sidoo kale qaar kamid ah Ururada u dooda warbaahinta ayaa xariga loo geystay Agaasimaha guud ee Shabakada Shabelle iyo ku-xigeenkiisa ku tilmaamay mid xad gudub ku ah xuriyatul qowlka iyo shaqada ay warbaahinta madaxa banaan u heyso shacabka Soomaaliyeed.
Sikastaba in ka badan 20 wariye ayaa siyaabo kale duwan ay dowladda federaalka ugu xirtay magaalada Muqdisho, taasi oo ka dhigan in ay aad dowladda ula dagaalameyso warbaahinta madaxbanaan gaar ahaan kuwa ka howlgalla magaalada Muqdisho.