Al-Shabaab iyo Ciidamada ATMIS oo Afgooye ku dagaalamay

|

Wararka ka imaanaya degmada Afgooye ayaa sheegaya in halkaasi ay ku dagaallameen ciidamada ATMIS iyo dagaallamayaasha Alshabaab

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ciidamada Uganda ay ku leeyihiin agagaarka Buunda weyn ee degmadaasi.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in weerarka uu xigay dagaal toos ah, kaas oo sameeyay xaafadaha Haanta Dheer, Makoyga, ilaa Buunda weyn.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkan la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana ka dhashay khasaare, walow aan la caddeyn karin inta uu gaarsiisan yahay.

Sidoo kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya iyo maamulka degmada Afgooye oo ku aadan weerarkaasi.

Xaaladda ayaa hadda ah mid deggan, balse ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS ee la weeraray ayaa howlgallo ka bilaabay Afgooye oo qiyaastii 30 KM u jirta Muqdisho.

Cabdullaahi Cali Cabdulle 

Xafiiska Warqabadka Muqdisho

Related Articles

News In English

Fikradaha