Al-Shabaab oo dab-qabadsiiyay tuulooyin hoos taga Baxdo

|

Muqdisho (Onkod Radio)— Kooxda Al-Shabaab ayaa dab qabadsiiyay qaar ka mid ah tuulooyinka hoos taga degmada Baxdo ee gobolka Galgaduud.

Al-shabaab ayaa gubay guryo ay deganaayeen dad shacab ah, tuulooyinka la gubay ayaa kala ah Biyo Days oo 15Km u jirta Dagmo Baxdo iyo Tuulada Meegaag Duub ayaa Baxdo u jirta 18Km.

Maamulka degmada Baxdo ee Galmudug ayaa xaqiijiyay Gubitaanka, guryahan ay ku noolayeen dadka shacabka ah.

Al-shabaab ayaa rag ka tirsan waxaa ay asbuucii lasoo dhaafay ay gubeen Ceelal iyo Barkado ku yaalla deegaanno hoos taga degmada Baxdo ee gobolka Galgaduud

Tan iyo dhamaadkii 2020, Al-Shabaab, waxa ay cadaadis xooggan ku heysay dadka deggan tuulooyinka ay xukumaan.

Al-shabaab ayaa mudooyinkii dambe bilaabay beegsiga ay ku hayaan adeegyada muhiimka u ah shacabka Soomaaliyeed sida gubista guryaha, Ceelasha biyaha, Isgaarsiinta

DHANKA KALE.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa gaaray qaar ka mid ah degaannada gobolka Galgaduud ee maalmihii la soo dhaafay dhibatada xooggan kala kulmayay Kooxda argagixisada Al-Shabaab.

Qoorqoor oo la hadlay dadka degaankaas wuxuu sheegay in loo diyaar garoobo sidii la isaga kicin lahaa Kooxda Al-Shabaab.

Related Articles

News In English

Fikradaha