Al-Shabaab oo xiray gacansigii ka jiray Soobe Muqdisho & DFS oo ka aamusan

|

Muqdisho (Onkod Radio) — Al-Shabaab ayaa ku amartay Dadka iska leh Goobaha Ganacsi ee ku yaala Daarta Soobe in ay xiraan cidii Amarkaasi diidana tilaaba ay kaa qaadi doonaan.

Ma cadda sababta rasmiga ah ee ka danbeysa arrintan waxaase ay usheegeen Dadka ay lasoo xiriireen in sababta ay usheegi doonaan marka ay ammarka fuliyaan.

Dadka iska leh Goobaha ganacsi ee ku yaala Daarta Soobe ayaa hada isku diyaarinaya fulinta Amarkan.

Saraakiisha Dowladda Soomaaliya wali wax faahfaahin ah ma aysan ka bixin go’aankan Ganacsatada ay dul saareen Al- Shabaab ee ku ganacsatada Zoobe.

Dhawr mar sidan oo kale waxaa albaabada loo laabay goobo ganacsi oo ku yaalla Suuqa Bakaaraha ka dib amar ka soo baxay kooxda Al- Shabaab.

Al- Shabaab ayaa sida la ogyahay canshuur ka qaada ganacsto badan oo ku nool magaalada Muqdisho oo aysan iyaga maamulkooda gacanta ku haynin.
warkan wixii ku soo kordha kala soco.

Related Articles

News In English

Fikradaha