Beledwayne (ONKOD) Khilaafka ka dhax jira maamulka Hirshabeelle wali wax xal ah lagama gaarin waxaana taagan muranka siyaasadeed eek a taagan Hirshabeelle.
Guddoomiyaha xilka laga qaaday ee Hiiraan Cali Jayte Cusmaan ayaa sheegay in hadda ay muuqanayso in dib Al- Shabaab isku soo abaabuleen isla markaana ay la wareegeen deegaano markii hore laga saaray.
Wareysi uu bixiyay Cali Jayte ayuu ku sheegay in ujeedka ugu way nee xilka looga qaaday ay tahay in Al- Shabaab ay is aruursadaan isla markaana ay la wareegaan deegaanadii laga saaray.
Cali Jeyte ayaa sheegay in ay ku guuleesteen in Al Shabaab inta badan ka saareen gobolka Hiiraan, waxa uuna sheegay in labo maalin kaddib markii xilka laga qaaday Al Shabaab lagu arkay deegaanno horey uga saareen.
Waxa uu sheegay in Hiiraan uu ka sii socon doono howlgalada ay ku doonayaan in Al- Shabaab ay ka saaraan si kastoo uu yiri la isugu dayo in la hagal daacayo suurtagal ma noqon doono.
Guddoomiyaha xilka laga qaaday ayaa iska diiday la shaqaynta Guddoomiyaha la magacaabay ee ku sugan magaalada Beledwayne ee Gobolka Hiiraan halkaas oo khilaaf xooggan uu ka jiro.