Alshabaab oo xayiraad ku soo rogay Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud

|

Dagaallamayaasha Al-Shabaab ayaa xayiraado kusoo rogay dhaqdhaqaaqa Shaqaalaha iyo gaadiidka shirkadda ee Hormuud Telecom, sida ay baahisay Idaacadda VOA.

Shirkadda Hormuud oo ah tan ugu weyn shirkadaha isgaarsiinta Soomaaliya ayaana wali wax war ah ka soo saarin arrinkaan, ilo lagu kalsoonaan karo ayaa u xaqiijiyay VOA-da arrintaan iyagoo sababo amni dartood u diiday in ay sheegaan magacooda.

Alshabaab ayaa isgaarsiinta ka jara goobaha lagala wareego sida uu sheegay Af-hayeenka ciidanka milateriga ee Soomaaliya Sarreeye Guuto Cabdullaahi Cali Caanood isagoona sheegay in ay markiiba ku soo celiyaan hawada si ay dadku u isticmaalaan.

Xayiraaddan ay ku soo rogeen shaqaalaha iyo gaadiidka Hormuud ayay uga gol-leeyihiin in shaqaaluhu aysan gaarin goobihii ay isgaarsiinta ka jareen.

Cabdullaahi Cali Cabdulle 

Xafiiska Warqabadka Muqdisho

Related Articles

News In English

Fikradaha