ASKAR dil gaystay oo lagu dilay duleedka magaalada Baydhabo

|

Baydhabo(ONKOD)Xuseen Cali Macalim limaan (Gurey) oo ka tirsan Daraawiishta Koonfur Galbeed, Cabduwaaxid Cali Sheikh Aadan oo ka tirsan Militaryga iyo Cabdulaahi Ibraahim Yarow (Borow) oo Boliiska KGS ka tirsan ayaa saaka Baydhabo Dusheeda looga Oofiyay Dambiyo dhiig Daadin ah oo ay Hore u galeen.

Labada Hore ayaa Beerta Qurun Jiis oo Degaan Degmada  Baydhabo ku taal ku dhex Dilay marxuum Muxudiin 𝗠𝗮𝘅𝗮𝗺𝗲𝗱 Cabdiraxmaan June 18 2018-kii.

Cabdullaahi waxaa uu Dilay Isgoowe 𝗠𝗮𝘅𝗮𝗺𝗲𝗱 Aadan June sedaxdeedii sanadkan, marxuumka ayaa ahaa Farmashiiste isku diyaarinayay Guri gal laakiin u dhintay ka doodidda  xabad kor loogu riday.

Maxkamadda ciidamada ayaa sidoo kale saakay xukun dil ak ku fulisay Cabdulaahi Ibraahim Yarow (Borow) oo isna lagu helay in dil u geestay Isgoowe Maxamed Aadan, waxa uuna dilkan bishii June ka dhacay isla magaalada Baydhabo.

Fagaare kuyaalla magaalada Baydhabo ayaana saakay lagu toogtay saddex askari oo katirsanaa ciidanka kala duwan ee maamulka Koonfur Galbeed

Related Articles

News In English

Fikradaha