AU oo go’aan la yaab leh ka soo saaray ka bixitaanka ATMIS ee Soomaaliya

|

Muqdisho (ONKOD) Waddamada ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya ee Uganda, Burundi, Ethiopia, Kenya iyo Djibouti, ayaa taageeray codsigii madaxwenaha Soomaaliya ee ahaa in muddo saddex bilood ah sababo farsamo loo hakiyo bixintaanka wejiga labaad ee ciimadama ATMIS.

Waddamadan, oo qoraal rasmi ah u diray Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa sheegay inay taageero u hayaan codsiga Soomaaliya ee ah in bixintaanka 3,000 oo ciidanka ATMIS ah dib loo digo muddo 90-maalmood ah.

Waddamadan ayaa qoraalkooda ku ammaanay dagaalka dowladda Soomaaliya ay kula jirto Al-Shabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa codsigeeda sal uga dhigtay in dhammaan xaaladaha taagan aysan u saamixi karin in ATMIS ay ka wada baxaan fariisimaha ay hadda dalka kaga sugan yihiin.

Waddamadan ayaa qoraalkooda ku ammaanay dowladda Fedeeraalka ah dagaalka ay kula jirto Al-shabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa codsigeeda sal uga dhigtay in dhammaan xaaladaha taagan aysan oggolaaneyn in ATMIS ay ka wada baxaan fariisimaha ay dalka kaga sugan yihiin.

Related Articles

News In English

Fikradaha