Axmed Madoobe oo soo gaaray Muqdisho iyo Ujeeddada Safarkiisa

|

Muqdisho (Onkod Radio) — Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta soo gaaray gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, isaga oo si diiran loogu soo dhoweeyey garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Axmed Madoobe iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyey mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya, iyada oo kadib loo soo galbiyey gudaha magaalada Muqdisho oo uu sii joogi doono maalmaha soo socdo.

Ujeedka safarka madaxweynaha Jubbaland ayaa la xiriira ka qayb-galka shir deg-deg ah oo caasimada uga furmayo madax goboleedyada dalka iyo dowladda federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa noqonayo hoggaamiyihii ugu horreeyey ee soo gaara magaalada Muqdisho, iyada oo la sugayo madaxda Puntland, Galmudug, HirShabelle iyo Koonfur Galbeed.

Shirka u furmayo maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe ayaa daba socdo kulankii fashilmay ee ay dhowaan gudaha magaalada Muqdisho ku yeesheen wasiirka maaliyadda dowladda dhexe iyo wasiirada maaliyadda dowlad goboleedyada dalka, kaas oo ugu dambeyn lagu kala kacay, kadib markii ay wasiiradu ku heshiiyeen wadahadalkooda.

Sida ay ogaaday Onkod Radio shirkan ayaa qabsoomi doono ka hor Arbacada, gaar ahaan inta uusan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u safrin magaalada caasimadda ah ee Nairobi, halkaas oo uu uga qayb- geli doono caleema saarka madaxweyne William Ruto.

Madaxda maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe ayaa ka wada-hadli doono arrimo ay ka mid yihiin ismari-waaga taagan maaliyadda, abaaraha iyo dagaalka kooxda Al-Shabaab.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, balse doodaha miiska saaran ayaa ah kuwa adag, ayadoo maamullada qaarna ay saluug ka muujinayaan hab dhismiskeeda dowladda cusub.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa ka dhacay isbeddel siyaasadeed, kadib doorashadii 15-kii May, taas oo mar labaad xilka madaxweynaha loogu doortay Xasan Sheekh Maxamuud.

Related Articles

News In English

Fikradaha