Matabaan (Onkod Radio) – Faah faahino kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax saaka ka dhacay duleedka degmada Matabaan oo ka tirsan gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.
Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala eegtay gaari ay la socdeen wariyeyaaal iyo askar, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.
Gaariga la qarxiyey ayaa ka mid ahaa kolonyo uu watay guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo horkacayey howlgallo ay ciidamada dowladda ka wadaan halkaasi.
Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxaas ku dhintay 3 qof oo uu ku jiray darawalkii gaariga, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan oo isugu jiro wariyeyaal iyo askar.
Wariyeyaasha dhaawaca ah waxaa ka mid ah Khaalid Muxumed (Ilkacase) iyo Cabdikariin Shabeelow, kuwaas oo ka howl-gala Telefishinka HirShabelle, xaruntiisa Beledweyne.
Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in dhaawacyada loo soo qaaday magaalada Beledweyne oo haatan lagu dabiibayo xaaladooda caafimaad.