Baydhabo : Dhallinyaro loo xiray tuhun ku saabsan kooxd Al- Shabaab.

|

Baydhabo (Onkod Radio) — Magaalada Baydhabo ee gobolka Baay waxaa xalay howlgal dhallinyaro badan lagu soo qab- qabtay ka fuliyay ciidanka ammaanka maamulka Koonfur Galbeed.

Saraakiisha Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in dadka ay ku soo qab- qabteen hadda ay ku hayaan xabsiyada magaalada Baydhaboo ee gobolka Bakool.

Ciidanka ayaa sidoo kale baaritaan waxa ay ku hayeen xalay gawaarida kuwa raaxada sida ay ku warameen dad ku sugan magaalada Baydhabo oo RBC la hadlay.

Saraakiisha Ciidanka Nabadsugida Koonfur Galbeed ayaa sheegay in Howgalka uu ahaa mid lagu sugayay amniga Baydhabo, halkaas oo mararka qaar ay ka dhacaan falal amni darro.

Waxa ay sheegeen saraakiisha ciidanka maamulka Koonfur Galbeed in ay sii socon doonaan howlgalada ay ku baratarayaa amaanka xaafadaha magaalada Baydhabo , isla markaana ay sii socon doonaan.

Maamulka degmada Baydhabo ee gobolka Baay ayaa dhawr jeer waxa ay sheegeen in ay jiraan dad qal-qal galinaya ammaanka magaalada Baydhabo isla markaana xoogga ay saari doonaan in ay ka hor tagaan.

Si kasta xabsiyada magaalada Baydhabo ayaa la sheegaa in ay ku jiraan tiro badan oo dhallinyara ah kuwaas oo loo haysto falal amni darro oo ka dhacay magaalada Baydhabo.

Taliyaha Nabadsugida Koonfur Galbeed ayaa ku baaqay in la iska garan siiyo xaqiijinta amaanka si buu yiri looga hortago falalka Amni darro ee ay geeysanayaan Al- Shabaab..

Related Articles

News In English

Fikradaha