Bisha Cas ee Japan oo gaarsiisay deegaannada duufaanta ka dhacday gargaar

|

Tokyo (Onkod Radio) — Shaqaale katirsan Bisha Cas ee Japan ayaa gurmad geeyay deegaannada ay saameynta taban ku reebeen Roobabka Mahiigaanka ah ee daadadka badan dhaliyay & Duufaannada xooggan isugu darsameen ee Dalkaas.

Howlwadeennada Bisha Cas ayaa sheegay in ay Dadka siiyeen Guryaha macmalka ah ee (Teendhada) loo yaqaan, Dharka adag ee la xirto & Agab kale si ay dadkaas uga gabbaadsadaan qabowga ka dhashay isbaddelka Cimilada.

Xukuumadda Tokyo ayaa sheegtay in ay xoogga saareyso sidii gurmad loo gaarsiin lahaa meelaha ugu badan ee dhibaatooyinka guryo la’aanta laga soo wariyay si doorka Dowladda ay ka qaadaneyso dib u dejinta uu meel sare u gaaro.

Is baddelka Cimilada ayaa loo arkaa in ay sababtay dhibaatooyin badan oo ka dhacay waddamo dhowr ah, Dalalka ugu Warshadaha badan & Qaramada Midoobay ayaa dhowr jeer ka xaajooday sidii loo yareyn lahaa qiiqa (Qaaca) badan ee hawada ku baxa.

Ra’iisul Wasaaraha Japan Fumio Kishida ayaa musiibo aan la daawan Karin ku tilmaamay daadadka ka dhashay Roobka mahiigaanka & dabaylaha xooggan ee dhulka dhigay dhismaha ay degenaayeen Dadka u badan qoysaska dhaqaalahoodu hooseeyo.

Related Articles

News In English

Fikradaha