Bisha Cas oo sheegtay in shidaal la’aan ay u xirmi doonaan Isbitaallada Qasa

|

Gaza (ONKOD) — Hay’adda Bisha Cas ee Falastiin ayaa sheegtay in ay qasab tahay in gargaarka bini’aadanimo ee loo soo gudbinayo Marinka Qasa uu ku jiro shidaal haddii la doonayo inay shaqeeyaan isbitaallada Qasa.

Isagoo la hadlayay BBC radio 5 Nebal Fasakh oo ka tirsan hay’adda ayaa yiri “Gargaarkan bini’aadanimo kuma jiro shidaal kaas oo muhim u ahaa isbitaallada si ay u sii shaqeeyaan.”

“Isbitaalladu way xirmi doona haddii aan shidaal la helin,” waxayna ku qeexeen xaaladda ka jirta Qasa “mid qalbi jab ah”.

Gargaarkii shalay loo gudbiyay Qasa oo ahaa kii ugu horreeyay tan iyo markii uu dagaalku bilowday ayaa ka koobnaa Dawo, cunto, iyo biyo, laakiin Israa’iil ayaa diiday in shidaal laga gudbiyo xuduudda.

Related Articles

News In English

Fikradaha