Gaashaanle Saadaq Doodishe Afhayeenka Ciidamada Boliiska Soomaaliyeed oo ka hadlay dilka maanta ka dhacay degmada Xamarweyne ayaa sheegay in Maanta 1:20 duhurnimo ay Boliiska Gobolka Banaadir gacanta ku soo dhigeen mid ka mid ah Askarta Ciidanka Ilaalada Deegaanka oo Degmada Xamar-weyne gaar ahaan Waaxda Gobonimo ku dilay Abuubakar Maxamed Nuurani oo ahaa 65 jir Ina Hooyo Saaman Cali Abuukar.
Eedeysanaha ayuu sheegay in ay cadaaladda waafajin doontaan.
Magaalada Muqdisho waxaa caadi ka ah in askartu ay disho dadka ay ka waayaan lacagaha ay rabaan haba ugu darnaadaan ganacsatada yaryar iyo bajaajlayaasha.
Cabdullaahi Cali Cabdulle
Xafiiska Warqabadka Muqdisho