Booliska Soomaaliya oo war kasoo saaray kiiska Kamac Ducaale Gabadh ka timid Norway ee lagu dilay Muqdisho

|

Muqdisho (Onkod Radio)—Booliiska Soomaaliya ayaa sheegay inay baarayaan geerida gabar dhallinyaro oo Soomaali ah sidoo kale haysatay dhalashada dalka Norway,  taasi oo ku geeriyootay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Gabadhan oo lagu magacaabay Kamac Ducaale ayaa meydkeeda la helay, balse weli ma cadda cidda dishay iyo sababta loo dilay.

Taliye ku xigeenka Booliiska Soomaaliya, Gen. Sakiya Xuseen Axmed, oo qoraal soo dhigtay barteeda Facebook, ayaa sheegtay in baarista kiiskaan uu ku jiro gacanta booliska, sidaas darteed dadka laga rabo inay joojiyaan wararka ay ku faafinayaan baraha bulshada.

Taliyaha ayaa sheegtay in wararka la faafinayo ay lumin karaan macluumaadka saxda ah ee la xiriira kiiskaan.

Warka kasoo baxay taliyaha ayaa yimid kadib markii wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Norway ay sheegtay inay la socoto in muwaadin kasoo jeedo wadankeeda uu ku dhintay gudaha magaalada Muqdisho.

Mathias Rongved oo ah sarkaal katirsan wasaaradda arrimaha dibadda ayaa sheegay inay wakhti dheer ku qaadanayso in si rasmi ah ay u xaqiijiyaan geerida gabadhan.

Sidoo kale, Norway ayaa ehellada marxuumadda ugu baaqday inay la xiriiraan safaaradda ay ku leedahay dalka Kenya, si ay u helaan macluumaadka ku saabsan gabadhooda.

Geerida gabadhaan ayaa waxaa maalmo ka hor lagu faafiyay baraha bulshada, waxayna warar aan la xaqiijin sheegayaan inay u geeriyootay daryeel xumo caafimaad kaddib markii ehelkeeda ay geliyeen xabsi guri.

Halkaan hoose ka akhriso warka kasoo baxay Zakiya.

Wargelin;

”Baarista kiiska marxuumad Kama Ducaale waxuu ku jiraa gacanta boliiska. Fadlan joojiya postiyada kala duwan oo kiiska ku saabsan madaamo saameyn lid ah ku yeelan karo baarista sidoo kalena lumin kara maclumaadka saxda ah ee kiiska.

Dhammanteen waxaan dooneynaa Kama inay caddaalad hesho madaamo ay ahayd gabar Soomaliyeed, lkn dhiigeeda haka dhiganina wax “like/share/followers” lagu raadsado.

Hadii aad heysid maclumaad sax ah fadlan igala soo xiriira dhanka messenger-ka.

Mahad badan,”

Related Articles

News In English

Fikradaha