Muqdisho (OKOD ) Maanta oo Sabti ah waxaa buuq iyo sawaxan uu hareeryay fadhi Barlamaanka ay ku lahayeen xarunta Golaha shacabka kaas oo ahaa mid wadajir ah.
Guddoomiyaha Golaha shacabka oo ku maqnaa safar dibad ah ayaa waxa Hall-ka soo galay Guddoomiayaha aqalka sare si uu u shir guddoomiye kulanka wadajir ah ee labada aqal.
Xildhibaanada Golaha shacabka qaarkood oo u arkayay awood ahaan inuusan shir guddoomin karin fadhiga wadajir ah ee Barlamaanka Cabdi Xaashi ayaa ku buuq Guddoomiyaha .
Waxaa la arkayay xildhibaano sawaxan ku soo dhaweeyay , Guddoomiye Cabdi Xaashi iyo kuwo kale oo buuq ku furay isla markaana diidan in Shirka uu Guddoomiye Cabdi Xaashi , maadama uu maqan yahay Aadan Madoobe.
Xildhibaanda Golaha shacabka ayaa sheegay in Guddoomiye ku xigeenka Sacdiyo ay xaq u leedahay in ay shir guddoomiso fadhiga wadajir ah ee Wasiirka maaliyada hor imaanayo halka kuwa kalena ay diideen arintaas.
Fadhiga wadajirka ah ayaa qorshuhu ahaa in lagu ansixiyaan miisaaniyadda.