Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa Jubbaland oo howlgalo ka dhan ah Al-Shabaab waxa ay ka wadaan deegaano hor leh oo Jubbada Hoose.

|

Onkod radio – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab oo ay wadaan ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa daraawiishta Jubbaland ee ku sugan gobolka Jubbada Hoose, waxaana deegaanadaasi ay ku sugan yihiin dagaalyahannada Al-Shabaab.

Ciidamada qalabka sida ayaa hadda ku dhow degmada Badhaadhe oo ay ku sugan yihiin dagaalyahannada Al-Shabaab oo dhaq dhaqaaqyo ciidan laga dareemayo.

Saraakiisha ciidamada xoogga dalka ee hoggaaminaya howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda deegaanka ayaa tilmaamay in ujeedkooda uu yahay sidii degmada looga xoreyn lahaa, islamarkaana looga saari lahaa Al-Shabaab.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in ciidamada Al Shabaab ay heleen xog ku saabsan ciidamada huwanta ah ee qorsheynaya inay qaadaan howlgalada la xoojiyay, waxayna baneeyeen fariisimo muhiim ah, iyagoo u dhaqaaqay fariisimo cusub oo deegaankaasi ku yaala.

Xaalada ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab ay kaalin muhiim ah ka qaadanayaan howlgalada adag ee ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda deegaankaasi.

Dadka deegaanka ayaa walaac ka muujinaya in dagaalku uu qarxo xili kasta taasi oo muujineysa in labada dhinac ay diyaar garow xoogan ku jiraan, waxaana la dareemayaa dhaq dhaqaaq ciidan iyo diyaar garow xoogan.

Ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa Jubbaland ayaa maalin ka hor la wareegay gacan ku heynta deegaanka Buulo Xaaji oo hoostaga magaalo xeebeedka Kismaayo.

Jubbooyinka ayaa ka mid ah deegaannada ay sida xooggan ugu sugan yihiin dagaalyahannada Al-shabaab, waxaana hadda ay ku wajahan yihiin wejigii labaad ee howlgallada dalka ka socda.

Related Articles

News In English

Fikradaha