Ciidamada Puntland oo howlgal ka fuliyay buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari

|

Warar dheeraad ah ayaa laga helaya howlgal ay saacadihii lasoo dhaafay ciidamada daraawishta Puntland ay sameeyeen inta u dhaxeeysa deegaanada Turmasaale iyo Makadaan ee gobolka Bari.

Taliska ciidamada Puntland, oo faah faahin ka bixiyay howlgalka ayaa sheegay in ay beegsadeen saldhig ay sugnaayeen kooxda Daacish ee buuraha Calmiskaad.

Ciidamada ayaa sidoo kale howlgalka ku soo saaray Miinooyin ay xubnaha Daacish ku aaseen deegaanada howlgallada ka socda.

Geesta kale Taliska ayaa shaaciyay in howlgalka lagu dilay xubno Daacish katirsan oo Miinada aasayay.

Howlgalkan oo socda muddo ka badan 4 bil ayaa ku soo beegmaya xili shalay madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, uu iclaamiyay howlga cusub oo ka bilaaban doonaa deegaanada Puntland.

 

Related Articles

News In English

Fikradaha