Ciidamada xoogga oo dib ula wareegay Ceel-baraf iyo deegaano kale oo katirsan Sh/Dhexe

|

Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadka degaanka ayaa dib u qabsaday degmooyinka  Ceel-baraf, Miirtuug, iyo Cali Axmed ee katirsan gobolka Shabeellaha Dhaxe.

Ciidanka Xoogga dalka iyo  kuwa  degaanka ayaa laba jiho ka galay degmada Ceelbaraf, iyadoo dhanka Hiiraan ay kasoo galeen ciidanka deegaanka,  waxaana howlgalkaasi la sheegay in dagaal la’aan ay si buuxda gacanta Dowladda ugu soo gasho degmada Ceel-baraf.

Sidoo kale, ciidanka xoogga dalka ayaa Al-shabaab kala wareegay degmada Mirtaqwa  ee gobolka Shabeellaha Dhaxe.

Dhanka kale, dagaal culus oo qaatay 24 saac kaddib, waxaa si buuxda gacanta Dowladda ugu soo gashay deegaanka  Ceel Cali Axmed, halkaas oo ay si wadajir ah ula wareegeen ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ee Macawiisleey.

Wararkii ugu dambeeyey  ayaa sheegaya in sheegaya in ciidamada xoogga ay gobolka shabeellaha dhexe, ka wadaan dhaq-dhaqaaqyo ka dhan Al-shabaab ah, kaasi oo ay ku donayaan in dib ula wareegay degmooyinka ay gacanta ku hayaan dagaalyanada Shabaab.

Related Articles

News In English

Fikradaha