Ciidamo katirsan dowladda oo la wareegay guriga Hooyooyinka

|

Ciidamo katirsan Booliska Soomaaliya ayaa saakay la wareegay xarunta guriga Hooyooyinka ee ku yaalla kasoo horjeedka Xarunta Tiyaatarka Qaranka ee degmada Xamar weyne ee gobolka Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya in la xiray qaar kamid ah xubnaha Ururka Haweenka Soomaaliyeed ee fadhigooda yahay  halkaasi.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa horay  u yiri  “ waa in la baneeyaa guriga Hooyooyinka, mana ku sii jiri karaan Ururka Haweenka Qaranka, waana si deg deg ah guriga Hooyooyinka uga guuraan waxaa ku shaqeyneeysa wasaaradda Haweenka”.

Sidoo kale waxaa arrintaasi kasoo horjeestay Ururka Haweenka Qaranka, oo sheegay in ay kasoo horjeedaan hadalka kasoo yeeray Ra’iisul wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Ururka Haweenka Qaranka, ayaa dhowr jeer waxa ay banaan baxyo ka dhigeen Afaafka hore ee guriga Hooyooyinka, iyaga oo Ra’iisul wasaaraha ku eedeeyay in gurigaHooyooyinka laga iibinayo ganacsato, isla markaana waxa ay shegeen in ay is hortaagi doonaan awood walbo oo isku dayda in dhismaha ka saarto.

Sidoo kale mar sii horeeysay guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Batuule Axmed Gaballe ayaa sheegtay in gal dacwadeed ka furtay Maxkamadda gobolka Banaadir, taa oo la xiriirta eedeeynta ay u jeedinayaan Ra’iisul wasaaraha, ee ku aadan qorshaha lagu iibinayo guriga Hooyooyinka.

Related Articles

News In English

Fikradaha