Ciidanka daraawishta koonfur galbeed oo gadooday 24 saacna u qabtay Laf-gareen +sababta

|

Ciidana daraawishta maamulka Koonfur Galbeed ayaa ka gadooday xafladii sanad guurada 6-aad ee madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen, taasi oo dhowaan ka dhacday Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG uh Koonfur Galbeed.

Muqaalo ay iska soo dubeen ciidanka Daraawishta Koonfur Galbeed ayey hanjbaad ugu direen Cabdicasiis Lafta-gareen, iyaga oo ku eedeeyay in uu dayacaad ku sameeyay ciidanka, ayna ka waayeen xaqii ay ku lahayeen maamulka.

Ciidankan oo jooga degmada Wanlaweyn ee gobolka shabeelaha hoose ayaa bilo ka hore Madaxweyne Lafta-gareen, waxa uu u geeyay dagaal kala dhaxeeyay beesha Gaaljacel, oo kasoo horjeeday hanaanka uu wax u wado madaxwenaha koonfur galbeed.

Sidoo kale ciidamada ayaa sheegay in ay aad uga xun yihiin in boqolaal dollar uu madaxweyne Cabdicasiis uu xaflad ku dhigto, iyagana ay eedhibaateysan yihiin isla markaana ay ka wayeen xita musharkii ay ku la hayeen maamulkaasi, waxa ayna u qabteen 24 saac gudahood haddii uu uga soo jawaabi waayo cabashadooda ay qaadi doonaan talaabo ka dhan ah maamulka koonfur galbeed.

Dhinaca kale ilaa iyo hadda ma jirto hadal kasoo baxay hoggaanka maamulka koonfur galbeed oo looga jawaabayo cabashada kasoo yeertay ciidanka daraawishta koonfur galbeed ee sugan degmada Wanlaweyne iyo deegaanada hoosyimada ee katirsan gobolka shabeellaha hoose.

Sikastaba, guud ahaan koonfur galbeed waxaa ka jirta saboolnimo keentay caqabado isbiirsaday, caqabadahaas waxaa ka mid ah go,doominta al-shabaab, maadama isku socodka magaalooynka uu xirmay.

 

 

Related Articles

News In English

Fikradaha