Ciidamada difaaca deegaanka ee macawiisleyda ayaa xalay howlgal qorshaysan ka fuliyey howdka Ciid-ciidka degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab.
Hoggaamiyaha Macawiisleyda aagagga degmada Mahadaay, Cismaan Beerey, oo howlgalkaas hogaaminaayey ayaa Warbaahinta dowladda ayaa sheegay in howlgalka ay ku dileen dhagarqabayaal ka tirsan Al-shabaab ay weerarka ku qaadeen, isla markaana ay ka furteen hub iyo saanad ciidan.
Meydadka afarta xubnood ee ay dileen, ayuu sheegay in Shabaab ay geeyeen deegaanka Cali Fooldheere ee gobolka Shabeellada Dhexe.
Sidoo kale Cismaan ayaa carabta ku dhuftay in ciidamada deegaanka in ay la wareegay goobihii ay howlgalkaas ka fuliyeen.