Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgalka qorsheysan oo xalay ciidanka Jubbaland, ay ka sameyeen magaalada Kismaayo, kaasi oo ay ku weerareen guri ay ku sugnayeen xubno katirsan Al-shabaab.
Howlgalkan ayaa la sheegay in ay fuliyeen ciidanka sida gaar ah u tababaran ee loo carbiyay la dagaallanka Argagixisada, waxa ayna ku weerareen guri ku yaalla xaafada News kismaayo, oo ay ku sugnayeen saddex xubnood oo katirsan Al-shabaab.
Ciidanka ayaa la sheegay inay heleen xogta raggan, isla markaana guriga ay ugu tageen saddexda nin, balse labo kamid ah howlgalka ay ku dileen ciidanka halka mid kale ay qabteen, sida lagu baahiyay qoraal kasoo baxay Jubbaland.
Sidoo kale saraakiisha Jubbaland, ayaa laga soo xigtay in ragaan katirsan Al-shabaab, ay qorsheynayeen in magaalada Kismaayo ay ka fuliyeen dilal qorsheysan oo ay ku beegsanayeen xubno muhiim ah.
“Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee loo carbiyay la dagaalanka kooxaha Argagixisada ayaa goor dhow u daatay guri ku yaala xaafadda New Kismaayo, kaasi oo ay ku jireen sadex kamida Argagixisada gaar ahaan kuwa qaabilsan madax jabiska sida aan xogaha ku helnay”. Ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Jubbaland.
Geesta kale ciidanka Booliska Jubbaland, ayaa xalay xaafadaha ay kooban tahay magaalada Kismaayo, waxa ay ka sameeyeeen howlgal lagu xaqiijinayo amniga guud ee magaaladaasi.