Ciidanka Jubbaland oo soo qabtay ninkii Al-shabaab u qaabilsanaa maxkamadda deegaan hoostaga G/ Jubbada Hoose

|

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ciidamada Jubbaland ay ka sameyeen deegaanka Lafo-gari oo hoos taga degmada Dhoobley, kaasi oo ay ku soo qabteen nin lagu magacaabo Macalin Maxamuud, oo ahaa ku-xigeenka maxkamadda Al-shabaab u qaabilsan deegaanka Lafo-gari ee Jubbada Hoose.

Qoraal kasoo baxay Jubbaland, ayaa lagu sheegay in howlgalka ninkan lagu soo qabtay uu ahaa mid qorsheysan, sidoo kala isla howlgalka ay ciidanka ku dileen afar xubnood oo katirsanaa dagaalamayaasha kooxda Al-shabaab.

Korneyl Maxamuud Heybe, oo ah Taliyaha amniga degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose, ayaa sheegay in deegaanka ay weerareen ay uga tageen 20 dagaalame oo katirsan Al-shabaab, kuwaasi oo cowshado ka sameystay goobta  isla markaana ku dhuumaaleysanayey, dagaal kooban ay la galeen ay ku dileen afar dagaalame  lana ay ka dhaawaceen.

Geesta kale Taliyaha ayaa sheegay in howlgalka lagu dilay madaxii Al-shabaab ee deegaanka Lafo-gari u qaabilsanaa maaliyadda, sidoo kalana ay ciidanka u suura gashay in ay gacanta ku soo dhigaan ku-xigeenka maxkamada Al-shabaab u qaabilsanaa deegaankaasi.

Sikastaba, ciidanka Jubbaland ayaa muddooyinkii u dambeeyey xoojiyey howlgallada ay ku shegeen in ay ku baacsanayaan dagaalamayaasha kooxda Al-shabaab, ku sugan qeybo kamid ah Jubbaland.

 

Related Articles

News In English

Fikradaha