Ciidanka Koonfur Galbeed oo soo qabtay madaxii Maaliyada ee Alshabaab

|

Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Deeganka Buur-helede oo hoostaga Degmada Buur-hakaba ee Gobolka Baay, ayaa lagu soo qabtay Madaxii Maaliyada Kooxda Alshabaab ee Buur-hakaba.

Sarkalkan lagu soo qabtay howlgalka, ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Aliyow Isaaq Macalin, waxaana la tilmaamay in Kooxda u qaabilsanaan dhinaca Maaliyada gaar ahaan deegaanada hoosymada Degmada Buur-hakaba ee Gobolka Baay.

Howlgalkan ayaa waxaa hoggaaminayay Taliyaha Ciidanka Daraawishta Koonfur Galbeed qeybta Degmada Buur-hakaba Maxamed Xassan Aadan ( Sandheere).

Sidoo kale Saraakiisha howlgalka qeybta ka aheyd ayaa sheegay in Aliyow Isaaq Macalin uu boonooyin u jarayay Gaadiidka kala duwan ee isticmaala Degmada Buur-hakaba,sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Ciidanka Daraawishta Koonfur Galbeed.

Sikastaba Maamulka Koonfur Galbeed ayaa horay u sheegay in howlgal ka socda Gobollada Baay iyo Bakool, sare loo qaadi doono,isla markaana Koonfur Galbeed ay wado qorshooyin ay ku xoreyneyso Magaalooyinka iyo Deegaanada ay gacanta ku hayaan Kooxda Shabaab.

Related Articles

News In English

Fikradaha