Ciidamada hay’adda Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka ee NISA, ayaa howlgal lagu xaqiijinayo amniga waxa ay maanta ka sameyeen deegaanka Ceelasha Biyaha ee gobolka Shabeellaha Hoose ee maamulka Koonfur Galbeed.
Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka, ayaa kormeeray baraha lagu baaro gadiidka ka imaanaya degmada Afgooye ee u soo gudbaya magaalada Muqdisho, si loo xaqiijiyo amniga loogana hortago falalka lidka ku ah amni darrada.
Gashaanle Gacma dheere oo ah Taliye ku-xigeenka hay’adda Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA, oo ayaa sheegay in howlgalkan uu yahy mid lagu doonayo in lagu adkeeyo, lagana hortago shaqsiyaadka amniga darrada u horseedaya deegaanka Ceelasha Biyaha ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Gashaanle Gacmo dheere, ayaa bogaadiyay howlgallada ciidanka waxa uuna kula dardaarmay ciidamada in ay sare u qaadaan sugida amniga.