Ciidanka PMPF oo ka amar qaata DENI oo la wareegay xarunta baarlamaanka

|

Garoowe (ONKOD) Ciidamo ka tirsan PMPF ayaa xalay saq dhexe u daatay xarunta Baarlamanka Puntland ee Garowe iyagoo kala wareegay ciidamadii hore u joogay xaruntaas.

Arrintan ayaa salka ku haysa kadib markii Guddoonka Baarlamanka uu diiday in gudiga xallinta Khilaafaadka doorashada ku wareejio xarunta si ay ugu shaqeeyaan.

Madaxweyne Deni ayaa amrey maanta in xarunta lala wareego si doorasho loogu qabto, waxaana ka qaybqaatey 15 gaari oo nooca dagaalka ah kuwaas oo qaar kood la geeyey waddooyinka ku dhaw baarlamaanka oo dhan.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in Deni uu rabo in guddiga uu shaqo bilaabay, kaas oo diidmo kala kulmay guddoonka golaha iyo xubnaha mucaaradka.

Musharixiinta Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in Madaxweyne Deni weli aanu oggleyn doorasho la isla oggol yahay, markii hore dimoqraadiyad dhinac ka raran haatana uu boobaayo beelaha kadib markii uu magacaabey guddi aan la isku raacsaneyn.

Maalintii shalay ee Sabtida waxaa xarunta gaarey Guddiga Amniga doorashada ee Madaxweyne Deni magacaabey, waxaana ay shir la qaateen Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland iyo Xildhibaano kale.

Puntland ayaa haatan wajaheysa xaalad cakiran, ayada oo lagu sii dhawaanayo xilligii doorashada oo ah siddeeda bisha Janaayo ee sanadka 2024-ka.

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaana saameynta khilaafkan si weyn looga dareemayaa magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

 

Related Articles

News In English

Fikradaha