Ciidanka Puntland oo mushaar la’aan ah iyo DENI oo ka maqan Puntland

|

Muqdisho (ONKOD) Wararka aan ka helayno magaalada Garoowe ee Puntland ayaa sheegaya in ciidanka maamulkaas ay wajahayaan xaalad mushaar  la’aan ah.

Siyaasiinta deegaanada Puntland ayaa sheegay  in tan wax badan ay u dhami karto hanaanka  maamulka  maadama tabashooyinka laga qabo saciid DENI ay is biirsadeen.

Mushaar la’aanta baahsan ee ciidamada ayaa marar kala duwan keentay in ciidanka ay xirtaan waddooyin iyo bara-kantarool oo muhiim ah.

Saraakiil ka tirsan Puntland ayaa sheegay in maamulka hadda   jira looga baahan yahay inuu la yimaado qorshe ka duwan sida  hadda ay wax u socdaan si ay u sahlanaato .

Shaqaalaha iyo ciidamada dowladda oo iyagu ku shaqeeya duruuf adag ayaa waxa waayadii dambe u raacay xuquuq la’aanta haysata, ayada oo aysan jirin cid ay cabashadooda u gudbistaan si wax loogu qabto.

Maamulka Puntland ee uu hoggaamiyo Saciid Cabdullaahi Deni ayaa muddooyinkii dambe lagu eedeynayay in xukuumadda ay ku mashquushay meel-marinta damaca hoggaanka sare ee maamulkaasi.

Mushaar la’aanta ay wajahayaan ciidanka Puntland ayaa lagu tilmaamay middii ugu waqtiga dheerayd ee maamulkaasi ka dhacda tan iyo markii la aas-aasay sanadkii 1998-dii.

 

Related Articles

News In English

Fikradaha