Ciidanka Puntland oo toogtay nin ajnabi ah oo doonayay inuu qarax ku aaso magaalada Boosaaso

|

Ciidanka ammaanka ee magaalada Boosaaso ayaa toogtay nin ajnabi ah oo ka tirsanaa kooxda Daacish, kaasi oo gudaha magaalada Boosaaso, ku aasayay Qarax Miino oo uu doonayay in uu shacabka ku dhibaateeyo.

Falkan ayaa yimid ka gadaal markii shacabka goobta ka agdhawaa ay ka shakiyeen, isla markaana ay ciidanka amniga ku wargeliyaan taasi oo suura gelisay inay goobta ay deg deg ku soo garaan ciidanka.

Sidoo kale Ciidanka amniga  ayaa xaqiijiyay in ninka la toogtay uu ahaa ajnabi ka tirsanaa Daacishta ku sugan Gobolka Bari.

“Ciidamada Daraawiishta Puntland ayaa maalmahaan kordhiyay baacsiga cadowga Khawaarijta ah ee Daacish kuwaas oo ku dhuumaaleysanaya buuraha Calmiskaad ee Gobolka Bari halkaas oo saacadihii lasoo dhaafay ay ciidanku kula wareegeen saldhigyadii ugu muhiimsanaa Daacish.” Ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay taliska ciidanka Puntland.

Dhinaca kale ninka la toogtay ayaa caan ka ahaa magaalada, waxa uuna ka mid ahaa dadka wareejiya waxyaabaha laisku carfiyo, kana mid ahaa ajaabinta ka yimid dalalka Yemen iyo Suuriya.

Ugu dambeyn ciidanka amniga ayaa u mahad celiyay shacabka sida ay ula soo wadageen xogta ninkan, waxa ayna ku bogaadiyeen inay qeyb ka yihiin dagaalka lagu jiro kooxda Daacish eek u sugan deegaanada Puntland.

 

Related Articles

News In English

Fikradaha