Ciidanka Xoogga dalka iyo Kuwa deegaanka oo la Wareegay deegaanka Dabayoodle

|

Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ayaa goordhow la wareegay deegaanka Dabayoodle oo dhaca galbeedka degmada Buulo-barde, ee gobolka Hiiraan.

Ciidamada huwanta ah oo iskaashanaya ayaa dagaal kooban kadib Al-Shabaab kala wareegay deegaanka Dabayoodle oo 25KM u jira degmada Buulo-burde oo in muddo ah ay kooxda Al-shabaab gacanta ku hayee.

Guddoomiyaha degmada Buulo-barde, Xasan Maxamed Cabdi, oo qeyb ka ahaa howlgalka, ayaa warbaahinta u sheegay in kooxdii Al-shabaab,  laga saaray deegaanka, isla markaana hadda ay gacanta ku hayaan ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka.

Dagaalka maanta ka dhacay galbeedka Buulo-barde, ayaa imanaya xili maalmihii lasoo dhaafay kooxdu laga saaray deegaano badan oo ku yaalla gobolka Hiiraan.

Related Articles

News In English

Fikradaha