Ciidanka xoogga dalka oo dagaal kula wareegay deegaanka Abooreey

|

Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa si rasmi ah ula wareegay deegaanka Abooreey ee gobolka Hiiraan halkaasi oo saaka aroornimadii Ciidamadu ku qaadeen weerar saf ballaaran ah.

Ciidamada xoogga dalka  iyo kuwa deegaanka ayaa dagaal dhowr jihoe ah ku qaaday deegaanka Aboorey, waxaana dagaalkaasi ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac labada dhinac soo kala gaaaray.

Saraakiisha Ciidamada ee howlgalka hoggaaminayay ayaa xaqiijiyay maydadka Al-shabaab, oo tiro beel ah ay  daadsan gudaha deegaanka sidoo kalana ay ka qabsadeen hub iyo saanad milatari.

Waxa ayna tilmaameen saraakiisha  in kuwooda badbaaday ay duurka u fikadeen halkaasi oo wali lagu sii baacsanaayo xubnihii katirsanaa Shabaab ee baxsaday.

 

Related Articles

News In English

Fikradaha