Ciidanka xoogga dalka oo ka hortagay weerar ay qorsheynayeen Al-shabaab

|

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno hoostaga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, halkaas oo ay ku dhuumalaysanayeen xubno katirsan Al-shabaab.

Howlgalkaan ayaa yimid kadib markii Ciidamadu ay heleen xog sheegaysa in xubno katirsan Al-shabaab  ay dhagar u soo maleegaayaan shacabka ku nool deegaannada horay looga xoreeyey kuwaas oo isku aruursanayey Tuulo Xaaji iyo Tuulo Cadaad ee gobolka Mudug.

Saraakiisha howlgalka hogaaminaysa ayaa warbaahinta dowladda  u xaqiijiyey inay dileen xubnihii weerarka damacsanaa  sidoo kalana ay burburiyey dhow fariisin oo ay ku sugnaayeen kooxda Al-shabaab.

 

Related Articles

News In English

Fikradaha