Ciidanka xoogga oo howlgal ay sameyeen Jubbada Hoose ku dilay xubno katirsan Shabaab

|

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Daariwshta Jubbaland, ayaa sacaadihii lasoo dhaafay, waxa ay howlgalo ka sameyeen deegaano hoostaga degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose.

Deegaanada ay ciidanka iskaashanaya ay ka sameyeen howlgalka, waxaa kamid ah Malaayley,  Bandar Xaaji, Haraare iyo Muuse Xaaji oo dhammaantood hoostaga degmada Jamaame ee Jubbada Hoose.

Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka, ayaa sheegay in deegaanada ay howlgalka ka sameyeen ay ku dileen xubno katirsan Al-shabaab, sidoo kalana ay burburiyeen fariisimo kooxdu halkaasi ku laheyd.

Marka laga soo tago sheegashada saraakiisha  ciidamada, ma aysan shaacin tirda ay howlgalka ku dileen.

Sidoo kale saraakiisha howlgalka hoggaamineysay, ayaa hoosta ka xariiqay in howlgalkan noocaan oo kala ah ee ay beegsanayaan goobaha ay Al-shabaab kaga sugan yihiin deegaanada maamulka Jubbaland.

Related Articles

News In English

Fikradaha