DAACISH oo albaabada u laabtay goobaha ganacsiga ee Boosaaso

|

Boosaaso (ONKOD) Wararka aan ka helayno – magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in kooxda DAACISH ay xanibeen dhaq dhaaqa ganacsiga qaar ka mid ah magaalada Bosaaso.

Sida ay sheegeen dad ku sugan magaalada Bosaaso ayaa sheegaya , in goobo badan oo ganacsi ay xaniban yihiin sabab la xiriirta go’aan ganacsatada ay ku soo rogeen goobaha ganacsiga.

Arintan waxay ka danbaysay markii is faham waa uu soo kala dhaxgalay ganacsada gaar ahaan kuwa iibiya qalabka dhismaha iyo kooxda Daacish oo ku xoogan buuraga Galgala.

Khilaafka soo kala dhex-gaay ganacstada iyo Daacish ayaa yimid, kadib markii ay kooxda ku amartay inay ganasatadu bixiyaan lacago canshuuro oo boqolaal kun oo dollar ah.

Maamulka degmada Bosaaso iyo kan guud ahaan maamulka Puntland wax  faahfaahin ah ma uusan ka bixin go’aankan Daacish ay ku xanibeen – goobaha ganacsiga ee magaalada .

Ma’aha markii ugu horreysay oo ay Daacish ay xirto ganacsiga Boosaaso, waxayna dhacday dhowr jeer oo hore, taas oo saameyn ku yeelatay ganacsatada ku dhaqan magaaladaasi.

 

Related Articles

News In English

Fikradaha