Warar dheeraad dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal deegaanka Dharjaale ee gobolkaBari saaka ku dhexmaray ciidanka Puintland iyo Kooxda Daacish ee buuraleyda Calmiskaad.
Dagaalka saaka wuxuu ku bilowday weerar Ismiidaamin ah oo uu fuliyey baabuur laga soo buuxiyey walxaha qarxa oo lagu weeraray fariisin kamid ah kuwa ciidamada maamulka Puntland.
Intaas kaddib waxaa bilowday dagaal toos ah oo dhexmaray ciidanka Puntland iyo maleeshiyaad hubeysan oo ka dambeeyey baabuurka is qarxiyey, Saraakiil ciidan oo ku sugan furinta hore ayaa sheegay dhammaan kooxdii weerarka soo qaaday ay dagaalka ku dhinteen.
Afhayeen u hadlay ciidanka Puntland ayaa sheegay inay dileen 8 dagaalyahan oo ajaanib ah kuwaasi oo katirsan kooxda Daacish ee weearka soo qaaday.
“Geesiyaasha har iyo habeen u taagan difaaca iyo in ay Argagixisada ka sifeeyan Puntland, ayaa soo bandhigay Ajaanibta weerarka lagu dilay oo ka badan 8x ubnood, hubkoodii iyo jabka xooggana ee saaka la gaarsiiyey Argagixisada Daacish.,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay ciidanka Puntland.
Muuqaalo lagu baahiyey baraha bulshada oo ay duubeen Askar isticmaala Aaladaha Internet ka ayaa muujinaya Maydad dad ajaanib ah oo ku dhintay dagaalka saaka dhacay.
Puntland ayaa mudooyinkii danbe qorshaynaysey duulaan ka dhan ah kooxda Daacish ee ku sugan Buuraleyuda Calmiskaad, waxaana xusid mudan in weerarka saaka lagu soo qaaday ciidanka Puntland uu soo aaday xili ay qorsheynayeen howlgal culus inay bilabaan.