Dabley hubeysan oo labo ruux ku dilay Garoowe

|

Faah faahino  dheeraad ah ayaa kasoo baxaya kooxo  hubeysan oo xalay lagu ruux oo shacab ah ku dilay magaalada Garoowe ee caasimada gobolka Nugaal.

Goob joogayaal ayaa sheegay  in labada ruux la toogtay xili ay ku sugnaayeen hotel ku yaalla bartamaha magaalada Garoowe.

Sidoo kale dableydii dilka geystay ayaa la sheegay in durbo ay goobta isaga baxsadeen ka hor inta aysan ciidanka Booliska aysan goobta gaarin.

Ilaa iyo hadda si dhab ah looma oga sababta ka dambeysa dilka labadan ruux ee rayidka ah, hayeesheen bulshada ku dhaqan magaalada Garoowe ayaa cabsi ka muujiyay  falkan naxdinta leh.

Weli maamulka gobolka Nugaal iyo laamaha amniga, ayaan ka hadlin dilka naxdinta leh ee xalay ka dhacay gudaha magaalada Garoowe ee caasimada maamulka Puntland.

 

Related Articles

News In English

Fikradaha