Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xooggan oo saakar aroortii hore ka dhacay nawaaxiga deegaanka Beera-yabaal ee gobolka Hiiraan, kaasi oo u dhaxeeyay ciidamada xoogga oo kaashanaya kuwa deegaanka iyo Ururka Al-shabaab.
Dagaalka oo ay soo qadeen Al-shabaab, ayaa waxa uu markii hore ku biloowday qaraxo waa weyn, iyada intaa kaddib dagaal toos ah labada dhinac halkaasi ku dhex maray.
Goob jogayaal ayaa ku waramay in daryarkan hubka laisku adeegsanayay laga maqlaya tuulooyinka hoostaga deegaanka Beera-yabaal ee gobolka Hiiraan.
“Ciidamada ayaa waaberigii hore ee saakay fashiliyay weerar naflacaari ah oo Khawaarijtu ku soo qaaday goobaha saakay lagu laayey, waxaana weli dhulka howdka ah ee dhaca jiinka Wabiga Shabeelle ka socda baacsiga firxadkii Khawaarijta.” Ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Taliska xoogga.
Warar madax banaan ayaa sheegaya in dagaalka saakay uu geystay khasaaro kala duwan oo soo gaaray labada dhinac ee dirirtu u dhaxeeysay.