Dagaalka GAZA ka socda oo galaaftay Nolosha in ka badan 66 Weriye.

|

GAZA (ONKOD) Dagaalka ka sii soconaya Marinka GAZA waxaa uu galaaftay noloshay dad aad u badan oo ku nool  halkaas tan iyo markii halkaas Israa’iil ay ka bilowday weerarada.

Waxaa soo baxaya hadda tirada rasmiga ah ee suxufiyiinta ku dhimatay weeraradaas ka sii socda Israa’iil ee ay fulinayaan ciidanka Israa’iil sida ay baahisay Aljazeera.

Hay’adaha u dooda xuquuqda suxufiyiinta ayaa sheegay in ay ka walwal qabaan xaaladda halista ah ee ay ku shaqaynayaan suxufiyiinta ku sugan Marinka GAZA ee weerarada martigalinaya.

Muuqaal-duubihii Aljazeera ee Magaalada Gaza Samiir abuu Diqa ayaa sii kordhiyay suxufiyiinta ku dhintay dagaalka ka socda Magaaladaas waxaana uu kamid ah Dad ay Ciidanka Israaiil ku beegsadeen Iskuul ay si gaar ah u maamusho Qaramada Midoobay.

59 Suxufi oo u dhashay Falastiin ayaa la diiwaangeliyay in ay ku dhinteen duqeynta & dagaalka tooska ah ee ka socda Magaalada Gaza, Lubnaan waxa ay ku waysay 3 Wariye halka Yuhuudda qudhooda ay ku naf waayeen 4 Suxufi, wadartooda waxa ay ka dhigan tahay 66 Suxufi.

 

 

Related Articles

News In English

Fikradaha