Danab oo howlgal ay sameeyeen ku dilay qaar katirsan Ururka Al-Shabaab

|

Muqdisho (Onkod Radio) — Ciidanka kumaandooska xoogga dalka ee Danab ayaa xalay degaanka Buq Aqable ee gobolka Hiiraan waxay ka fuliyeen howlgal qorsheysan oo lagu bartilmaameedsaday saldhigii ugu weynaa ee Al-Shabaab ay ku lahaayeen degaankaas.
Taliyaha ciidanka xoogga dalka Gen Odawaa Yuusuf Raage oo lahadlay Wakaaladda Wararka ee Dowladda Soomaaliya ee SONNA ayaa sheegay in howlgalkaas lagu dilay ugu yaraan 18 katirsan Dagaalyahannada oo ku sugnaa saldhigga ay beegsadeen ciidanka Danab.
Sidoo kale howlgalka waxaa lagu burburiyay saldhigyo, xafiisyo iyo goobo kale oo Ururka Al-Shabaab ay ku lahaayeen degaanka Buq Aqable oo Khiyaastii 90 KM Koofur uga beegan magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.
”Degaankan ayaa kooxda u ahaa mid istaraatiiji ah oo ay kasoo abaabulaan weerarrada iyo qaraxyada ay ku dhibaatey jireen shacabka Soomaaliyeed ee gobolka Hiiraan oo dhibaato badan kala kulmay Ururka Al-Shabaab.”
Wakaaladda Wararka ee Sonna

Related Articles

News In English

Fikradaha