Deg Deg: Dagaal ka dhacay Baxdo & khasaaraha ka dhashay.

|

Muqdisho  (Onkod Radio)— Wararka Onkod uu ka helayo degaano ka mid ah gobolka galgaduud ayaa ku waramaya in halkaas uu ka dhacay dagaal u dhaxeeya Al-Shabaab.

Dagaalkan ayaa ka dhacay degaan 18KM u jira deegaanka Baxdo gobolka galgaduud , waxaana dadka degaanka ay sheegayaan in labada dhinac ay isku adeegsadeen hub culculus.

RBC ayaa loo xaqiijiyay in labada dhinac uu soo kala gaaray khasaare kala duwan oo aan sheegin tirada rasmiga ah.

Degaanka Baxdo ayaa ka mid ah deegaanada weerarka ay ku qaadeen dhawaan kooxda Al- Shabaab oo ay gubeen guryo isla markaana aaseen ceel biyood dadka degaanka ay isticmalayeen.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay iska caabin doonaan kooxda Al- Shabaab oo marar badan dhibaatooyin ka gaystay meelo ka mid ah gobolka galgaduud.

Degaanka Baxda ayaa la sheegay in inta badan ay isaga baxeen dadka marasta ah si aysan waxyeelo u soo gaaraan.

Related Articles

News In English

Fikradaha