DEG DEG : Dagaal ka socda duleedka degmada Afgooye.

|

Muqdisho (Onkod Radio) — Wararka aan  ka heleyno degmada Afgooye ee Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in duleedka degmadaas uu ka socdo dagaal u dhaxeeya ciidanka Dowladda iyo Al-Shabaab.

Dagaalkan ayaa ka socdo degaanka lagu magacaabo Doonka oo ah duleedka degmada Afgooye halkaas oo laga maqlayo jug culus.

Weriye ku sugan degmada Afgooye ayaa u sheegay Onkod Radio in xilligan ka socdo dagaal xooggan deegaanka Doonka halkaas oo fariimo ay ku lahaayeen ciidanka Dowladda.

Wararka qaar ayaa sheegaya Booyado Shidaal u waday Bali Doogle oo ilaalo ka haayeen Ciidamada Dowladda ay Al-Shabaab dhexda u galeen.

Lama sheegin weli wax khasaaraha oo ka dhashay dagaalka oo ka socda deegaanka Doonka ee duleedka Afgooye.

Wixii ku soo kordha kala soco halkaan

Related Articles

News In English

Fikradaha