Deg Deg: dagaal u dhaxeeya dadka deegaanka iyo Al-Shabaab oo ka socda Cada Kibir

|

Muqdisho (Onkod Radio) — Dagaal u dhaxeeya dadka deegaanka oo kaashanaya Ciidanka Dowladda iyo Ururka Al-Shabaab ayaa hadda ka socda deegaanka Cada Kibir oo khiyaas ahaan 70 km dhanka bari kaga beegan degmada Cadaado gobolka Galgaduud.

Dadka deegaanka ayaa inta badan is abaabulay ayagoona toos dagaal la gala Ururka Al-Shabaab.

Deegaannada gobolka Hiiraan ayaa sidoo kalena uu ka jiraa guluf ciidan oo xooggan kaasoo iska kaashanaya Macawisley iyo Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya kuwa maamul goboleedka HirShabeelle.

Al-Shabaab ayaa sii laba jibaaray weerarada lagu beegsanayo dadka deegaanka sida ceelasha biyaha iyo xarumaha isgaarsiinta qaar.

Wixii kusoo kordha iyo wararkii ugu danbeeyay halkan kala soco.

Related Articles

News In English

Fikradaha