DEG-DEG : MD Xasan Sheekh oo ka badbaaday isku day DIL

|

Maxaas (ONKOD) Wararka laga  helayo degmada Maxaas eee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaas maanta uu ka dhacay qarax aad u xooga badan halkaas oo u ku sugan yahay MD Xasan Sheekh Maxamuud.

Sida wararka ay sheegayaan gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa lagaga hortagay  bar kantarool oo ku taala degmada Maxaas  halkaas oo kulamo uu ka wado Madaxwaynaha Dowladda Soomaaliya .

Qaraxan ayaa lagu soo waramayaa in ujeedkiisu uu ahaa in  kooxda Al- Shabaab ay ku caraqadeeyo  shirarka madaxwaynaha uu ka wado Maxaas  halkaas oo ay ku sugan yihiin masuuliyiin  Dowladda ah.

Waa qaraxii kowaad oo ka dhaca degmada Maxaas tan iyo inta uu ku sugan yahay Madaxwaynaha Soomaaliya si uu  u horkaco , howlgalada ka dhanka ah kooxda Al- Shabaab.

Maalmihii la soo dhaafay waxa jiray digniin laga bixiyay suurtagalnimada in kooxda Al- Shabaab weerar ay ku qaado ,  goobta uu ku sugan yahay Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

 

 

 

Related Articles

News In English

Fikradaha