Wararka inaga soo gaaraya degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa sheegaya in saakay halkaasi uu ka socda dagaal u dhaxeeya ciidanka Dowladda iyo kooxda Al-shabaab.
Dagaalka ayaa yimid ka gadaal markii dagaalamayaal katirsan Shabaab ay weerar ku soo qadeen fariisimo ay ciidanka dowladda ku lee yihiin Buunadada magaalada, waxaana la maqlaya dhawaaqa rasaasta ay labada dhinac isku adeegsanayaan.
Goob jogayaal ku sugan degmada, ayaa ku waramaya in xaalada ay kacsan tahay, isla markaana ay dareemayaan cabsi madaama dagaalka uu yahay mid xooggan.
Ilaa iyo hadda si dhab ah looma oga khasaaraha uu geystay dagaalka, madaama uu weli socdo, waxaana degmada Balcad ayaa 30km waxa ay u jirta magaalada Muqdisho.
Faaf faahinta halkan kala soco.