DENI oo laga guuriyaya Aqalka Madaxtooyada Garoowe ee Puntland

|

Garoowe (ONKOD ) Magaalada Garoowe ee caasimada maamul goboleedka Puntland waxaa ka socda dadaalada isimadu ay ku doonayaan in ay ku dejiyaan xiisada ka dhalatay arrimaha doorashooyinka ee deegaanada maamulkaas.

Madaxtooyada Puntland ayaa qorsheynaysa sidii looga saari lahaa Madaxweynaha Xarunta Madaxtooyada haddii uu dhaco Dagaalka laga cabsi qabo inuu markale ka qarxo Magaaladaasi, sida ay noo sheegeen ilo xog ogaal ah.

Xarunta ay ku taalo Madaxtooyada oo ah goob buur ah oo ka dheer magaalada, ayaa laga cabsi qabaa in garabka mucaaradku ay ku bartilmaameedsan karaan hubka culus ee muddooyinkii ugu danbeeyay ku aruursaneyeen duleedka Garowe.

Iyadoo Ciidamadii iyo gadiidkii dagaal ee ugu badnaa ay Xukuumadda soo galisay saaka, ayaa qeybo kamid ah xaafadaha magaaladaasi waxaa xirtay Ciidamada taabacsan Mucaaradka kasoo horjeeda muddo kororsiga dowladda.

Magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland maalmihii la soo dhaafay waxaa ka taagnayd xaalad adag oo xaga siyaasadda ah ka dib markii la isku qabtay arrimaha doorashooyinka maamulkaas.

Ciidamo aad u fara badan ayaa sidoo kale lagu arkayay waddoooyinka qaar ee magaalada Garoowe taas oo dhanka kale keentay cabsida laga qabo in halkaas dagaal uu ka dhaco isla markaana keentay qayla dhaanta ah in la dejiyo xiisadda.

Ciidamada dowladda iyo kuwa taabacsan siyaasiyiinta Mucaaridka ah ayaa sidoo kale weli ku sugan goobihii hore islamarkaana ma jiraan ciidamo dib looga qaaday halkii ay joogeen.

Related Articles

News In English

Fikradaha